Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa deegaanka ay si buuxda ula wareegeen deeganka Alkowthar ee gobolka Shabeellaha dhexe oo ka mid ahaa xarumihii ugu waaweyna ee Al-shabaab, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SONNA.

“Taliyaha Ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyay qabashada Al-kowthar waxaana uu intaas ku daray in looga daba tagayo goobaha ay u carareen.” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay SONNA.

Sidoo kale Dagaalka ka dhanka ah A-Shabaab oo ay dowladda madaxweyne Xassan Sheikh iclaamisay ayaa weli socda xilli dhawaan ay ciidamada dowladda oo kaa shanaya kuwa deegaank ay la wareegeen deegaanka Aadan Yabaal.

 

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here