Waxaa wali gudaha Hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho ka dhax dagaalamaya dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo galabta weerar qorsheesan gudaha ugu galay dhismaha Hoteelkaasi ay joogeen saraakiil iyo dad kala duwan oo shacab u badnaa.

Weerarka kadib waxaa Hotelka gaaray ciidamada Nabad sugida iyo booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad kuwaa oo soo bad baadiyay qaar badan oo kamid ah dadkii ku jiray gudaha hotelka xiligii weerarka bilaabanayay.

Wararkii ugu dambeeyay aan helnay ayaa sheegaya in gudaha Hotelka wali ka dagaalamayaan rag katirsan Al Shabaab halka qaar kalana la dilay, waxaana socda howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada ku doonayaan in ay kusoo afjaraan weerarka .

Ciidamada Haramcad ayaa la sheegay in ay ku guul dareesteen in weerarka soo afjaraan, waxaana goordhaw Hotelka gaaray oo loo yeeray ciidamada Nabad sugida siga gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ama Alfa Group kuwaa oo la doonayo in weerarka soo afjaraan.

Gudaha Hotelka ayaa laga maqlayaa rasaas iyo bambaanooyin, waxaana wali adag in war sugan laga hela dhismaha Hotelka oo loo maleenayo in wali ku go’doonsan yihiin qaar kamid ah dadkii ku sugnaa gudaha Hotelka.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka lagu qaaday hotelka Afrik , waxaana sheegatay masuuliyada weerarkan kooxda Al Shabaab oo shaacisay in dad badan ku dileen weerarka.

Waxii warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here