HomeWarkiiCiidamada Gadoodsan ee wadooyinka iska xiranaya oo ku soo badanaya Puntland iyo...

Ciidamada Gadoodsan ee wadooyinka iska xiranaya oo ku soo badanaya Puntland iyo qeyla dhaan ka timid siyaasi Tigey

May be an image of road and textBOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Waxaa sii badanaya oo faraha ka sii baxaya ciidamada reer Puntand ee iska xiranaya wadooyinka xili ay ka cabanayaan mushaar la’aan iyo daryeel la’aan dhanka maamulka kaga imaaneysa.

Maanta oo ugu danbeysay ciidamo gadoodsan ayaa xirtay duleedka Magaalada Boosaaso xili ay kala xireen isku socodkii gaadiika isaga kala gooshaya Boosaaso iyo magaalooyinka kale.

Ciidamadaan oo mushaar la’aan ka cabanaya ayaa lagu arkay maanta iyagoo hubeysan islamarkaana gaadiidka ka celinaya degaannada u dheexeeya Laag iyo Karin ee gobolka Bari, iyadoona goobta ay tuuran yihiin gaadiidka waa weyn ee xamuulka ah kuwaasoo lagu xanibay wadada.

Dhanka kale Waxaa arimahaan si kulul uga hadlay siyaasi Tigey oo reer Puntland ah isagoo baaq gaar ahna u jeediyay Ismimada iyo culumaa’udiinka Maamulka Puntland.

Siyaasi Tigey wuxuu sheegay in talaabooyinka ay ciidamada gadoodsani sameynayaan ay keentay inay is hubeeyaan qaad wadayaasha ,wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Saciid Dani haduu arinta xakameyn waayay inuu talada dhexda soo dhigo.No description available.

“waxa socda maaha wax ka dhowran karo, qof kasta oo reer Puntland ah waa inuu gacan ka gaysto sidii arimahaani wax looga qaban lahaa hadii Maamulkii Puntland xakameyn waayay”ayuu yiri Siyaasi Tigey

Culumada iyo Isimada ayuu ugu baaqay inay fadhiga ka kacaan oo soo farageliyaan arintaani sababtay in ciidamadu maalin kasta wadooyinka iska xirtaan.

“Madaxweyne Saciid Dani waxaan leeyahay talada dhulka dhig oo dadka iyo dalka u tur , diyaar baa laguula yahay in wax lagula xaliyo, magac xumo intaasaa ugu filan reer Puntland “ayuu yiri Siyaasi Tigey

“Fadhiga ka kaca aaway isimadii, culimadii, ganacsatadii iyo indheer-garadkii, Madaxweyne Saciidoow talada dhulka dhig oo dadka iyo dalka u tur waxbaa lagula wanaajinayaa, magac xumo intaasaa noogu filan” ayuu mar kale yiri Siyaasi Tigey

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -