HomeWarkiiCiidamada Galmudug oo laayay Alshabaab badan kadib howlgal ay ka fuliyeen deegaan...

Ciidamada Galmudug oo laayay Alshabaab badan kadib howlgal ay ka fuliyeen deegaan ka tirsan Gobolka Galgaduud 

Ciidamada Maamulka Galmudug ayaa howlgal ay ka fuliyeen Deegaanka Ceel la-helay ee Gobolka Gal-gaduud waxay dagaal la galeen Alshabaab halkaasi fariisin ku lahaa.

Saraakil u hadashay ciidamada Daraawiishta Galmudug ee weerarka qaaday ayaa sheegeen inay howlgalka ku dileen ilaa 10 kooxda Alshabaab ka tirsanaa oo sida ay sheegeen meydadkooda ay yaalaan deegaanka ceel la helay.

Saraakiisha waxay sidoo kale sheegeen in guud ahaan deeaanka ay Alshabaab kala wareegeen islamarkaana ay sii baacsadeen islamarkaana khasaaruhu ka badan karo inta ay arkeen,sidoo kale waxa sheegeen inay sii wadi doonaan howlgalada nuucaasi ah inta ay alshabaab kaga saarayaan guud ahaan meelaha ay kaga sugan yihiin Galmudug.

Dhanka kale kooxda Alshabaab kama aysan hadlin inta aan ka warheyno guusha ay sheegteen ciidamada Maamulka Galmudug ee lagu dilay dagaalyahanada alshabaab ee 10 ka gaaraya.

XAFIISKA WARARAKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -