WAZIL (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Wazil ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi ciidamada Maamulka Galmudug ay ku qabteen Haweeney ku eedeysan inay ka tirsan tahay oo la shaqeyso kooxda Alshabaab.
Haweeneydaan oo magaceeda lagu sheegay Nasra Xassan Xuseen ayay xogtu sheegeysaa inay kooxda Alshabaab kaga biirtay Magaalada Muqdisho islamarkaana howlo shaqo oo kooxdaasi ah loogu direy Deegaanka Wazil inay ka soo qabato balse ciidamadu qabteen.
Shacabka ayaa garab ku siiyay ciidamada daraawiishta Galmudug inay haweeneydaasi qabtaab madaama ay bixiyeen xogta haweeneydaasi Alshabaab-nimada lagu soo eedeeyay.
Taliye ku xigeenka Saldhiga Wazil Cumar Maxamed Shire ayaa warbaahinta u sheegay in haweeneydaani ay qiratay inay Alshabaab ka tirsan,sidoo kale ay hada ku socoto baaritaano dheeraad ah,mar uu ka hadlayay howlgalka wuxuu sheegay inay iska kaashadeen ciidamada Galmudug iyo kuwa Dowlada.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM.
