Wararka ka imaanaya caasimadda dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in booliska Galmudug ay Weerar ku qaadeen guriga guddoomiyihii degmada Gadoon ee gobolka Galgaduud Sheekh Cabdikariin Caabi Cali.
Wararka ayaa sheegaya in Gudoomiyihii hore ee degmada Gadoon ee gobolka Galgaduud uu ka tirsanaa maamulkii Ahlusunna, waxaana laga war helay abaabul Ciidan uu halkaas ka wado si uu xabad uga bilaabo Magaalada Dhuusamareeb.

Sheekh Cabdikariin Caabi Cali ayaa horey uga tirsanaan jiray maamulkii hore ee Ahlu-Sunna, balse waxaa la sheegay in hadda uusan wax shaqo ah ku laheyn.
Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in Ciidamada Galmudug oo Wata gaadiidka dagaalka ay tageen guriga guddoomiyha oo ku yaalla deegaanka Gadoon, waxaana la sheegay in uusan joogin Xiligaas Guriga Gudoomiyaha.
Sidoo kale Galmudug wax faahfaahin ah kama bixin weerarka xalay ay ku galeen guryo ku yaalla Gadoon, oo uu lahaa Gudoomiyihii hore ee degmada Gadoon ee gobolka Galgaduud.

 

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here