Somali Journalists Syndicate – SJS waxay si adag u cambaareyneysaa xarigga sharci darrada ee Ciidamada Booliska ee #HaramCad ay u geysteen Xoghayaha Warfaafinta iyo Xuquuqda Aadanaha ee #SJS Mohamed Ibrahim Bulbul iyo labo weriye oo kale oo kala ah: Zakariye Axmed Muuse iyo Mahad Xasan Cabdi xilli ay shaqadooda warbaahinta ku jireen.

Saddexda warfidiyeen waxay ciidanka ku xireen Isgoyska #KM4 ee magaalada Muqdisho. Waxayna ciidamadu ka qaateen kaamiradii ay wateen weriyayaasha.

“Wax la aqbali karo in ciidanka ammaanka ee Dowladda ay si toos ah u beegsadaan suxufiyiin shaqadooda ku jira. Ma jirto cid sharciga ka weyn. Inkastoo suxufiyiinta hadda lasoo daayey, haddana xirriyad ka qaad kasta oo loo geysto warfidiyeennada waa xadgudub aan sinnaba loo aqbali karin. Waana in lagula xisaabtamo kuwa geystay- xitaa hadday yihiin saraakiil sare,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee #SJS Abdalle Ahmed Muminci

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here