HomeWarkiiCiidamada ICE oo qof shacaba ku dilay Minnesota iyo masuuliyiin ka hadlay

Ciidamada ICE oo qof shacaba ku dilay Minnesota iyo masuuliyiin ka hadlay

MINNESOTA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Dalka Mareykanka ayaa sheegaya in Ciidamada ICE ay qof shacaba ku dileen Minnesota xili masuuliyiin kala duwana ay ka hadleen dhacdadaani ,sidoo kale Hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa ka hadlay.

Muqaal laga soo duubay gudaha dukaan kafeega lagu iibiyo ee Nicollet Avenue, ayaa muujinaya ciidamada oo qabtay ninka ay dileen kadib mid ka mid ah uu dhowr mar xabad ku dhuftay kadib ayaana laga maqlay rasaasta iyo isagoo sii dhacaya.

Inkastoo wararka madaxa banaan aysan cadeyn ujeedka ninkaasi shacabka ah loo dilay laakiin war ka soo baxay Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka ayaa lagu sheegay in eedeysanaha uu ku hubeysnaa bistoolad,taasoo u muuqata inay tahay qiil ay u raadinayaan dilka ninka rayidka ahaa.

Dhanka kale Xildhibaannada Dimuqraadiga ah ayaa cambaareynaya ninka ay toogteen ciidamada ICE,waxay ku baaqeen in hay’adda Socdaalka iyo Kastamka (ICE) ay magaalada isaga baxaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -