HomeWarkiiCiidamada Israa'iil oo Falastiiniyiin badan Saaka ku dilay weerarro ka dhacay Gaza

Ciidamada Israa’iil oo Falastiiniyiin badan Saaka ku dilay weerarro ka dhacay Gaza

QAZA (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Israel ayaa dilay ugu yaraan sagaal falastiiniyiin ah weeraro subaxnimadii hore ee maanta ka dhacay marinka Qaza, sida ay ilo caafimaad u sheegeen warbaahinta Al Jazeera Arabic.

Magaalada Khan Younis, ee koonfurta Gaza, ciidamada Israa’iil waxay duqeeyeen teendho, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan shan qof, sida laga soo xigtay ilo ku sugan Xarunta Caafimaadka ee Nasser.

Isbitaalka Al-cawda ayaa sheegay in labo Falastiini ah ay ku dhinteen madaafiicda Israa’iil ay ku garaacday waqooyiga xerada qaxootiga ee Nuseyrat ee bartamaha Gaza.

Labo falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale la dilay kuwa kalana waa la dhaawacay kadib markii ciidamada Israa’iil ay duqeeyeen guri dabaq ah, oo ku yaalla waqooyi-galbeed ee magaalada Gaza, sida ay sheegeen shaqaalaha xarunta caafimaadka ee al-Shifa.

Shalay oo isniin ahayd guud ahaan waxaa gaxa lagu dilay 74 shacab u badnaa caruur iyo haween ,36 ka mid ah dadkaasi waxay ahaayeen dad saf ugu jirey raashinka gar gaarka ah.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMUpdates: Israel kills 74 in Gaza as UN warns of high rate of child deaths |  Israel-Palestine conflict News | Al Jazeera

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -