Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay toban kalana waa dhaawacmeen kadib markii ciidamada Israa’iil ay rasaas ku fureen dad Falastiiniyiin ah oo gaajaysan kuwaasoo raashin loo qeybinayay.

Muuqaal ay xaqiijisay Aljazeera ayaa muujinaya Falastiiniyiinta oo isniintii shalay cararaya si ay ugu gabadaan rasaasta iyo madaafiicda Yuhuuda.

Advertisement

Muuqaallada ayaa sidoo kale muujinaya daruuro uuro ah oo ka dhashay bambooyinka qiiqa

Dhibanayaasha iyo goob joogayaal ayaa Aljazeera u sheegay in weerarka Israel uu ahaa mid aan loo meel dayin.

“Waxaan maqlay dhawaqa rasaasta, mana garanayo waxa dhacay.”ayuu yiri mid ka mida dadka ku dhaawacmay weerarkaasi  isagoo ku sugan isbitaal loola cararay si loogu dabiibo.

Nin kale ayaa sheegay in uu meesha u aaday oo kaliya in uu bur ka soo qaato xili uu taagnaa gaari korkiisa laga qeybinayay raashin uu bur ku jiro.

Mid ka mida waalidiinta ayaa isna sheegay inay caruurtooda rashin u raadsanayeen balse madaafiic taangi lagu soo garaacay islamarkaana lagu kala cararay goobta.

“Waxaan rabnay inaan quudinno carruurtayada sida dadka kale, sidaas darteed waxaan u tagnay inaan xoogaa bur ah soo qaadanno Laakiin markaas ayaa nalagu toogtay, madaafiic,taangiyo ayaana nagu soo dhacay,” ayuu yiri waalidkaasi

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad ee noociisa ah oo maalmo gudahooda ah, waxaana uu kusoo aadayaa iyadoo xaalad bini’aadantinimo ay si xawli ah uga sii dareyso Gaza, iyadoo Qaramada Midoobay ay ka digtay xaalado macluul oo kale ah oo saameeyay ilaa 2.3 milyan oo qof.

Muuqaalka laga soo duubay Isniintii ayaa sidoo kale muujinaya caruur Falastiini ah oo ku yaacay inay bur ka soo gurtaan dhulka ka dib markii hal jawaan la furay.

In kasta oo ay jirto xaalad quus ah, Israa’iil – oo maamusha meelaha laga soo galo Gaza – ayaa diiday in ay u oggolaato gargaar dheeraad ah.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin, ugu yaraan 29,092 Falastiiniyiin ah, oo u badan haween iyo carruur, ayaa lagu dilay weerarrada Israel tan iyo 7-dii Oktoobar. 69,028 kale ayaa sidoo kale lagu dhaawacay.

Displaced Palestinians gather to receive food at a government school in Rafah in the southern Gaza Strip on February 19, 2024.

Previous articleTaliyaha Milaariga Somalia oo dalka Qadar kula kula kulmay dhigiisa
Next articleTV-ga Qaranka oo ka jawaabay eedii kaga timid Madaxweynihii hore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here