HomeWarkiiCiidamada Itoobiya oo caawa weerar culus ku qaaday saldhigyada ciidamada Dowlada Somalia...

Ciidamada Itoobiya oo caawa weerar culus ku qaaday saldhigyada ciidamada Dowlada Somalia ee Dooloow

DOOLOOW (DAYNIILE.COM)-  Wararka laga helaayo Gobolka Geddo ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya caawa 9-kii fiidnimo  weerar culus ku qaadeen saldhigyada ciidamada Dowladu ku leeyihiin Magaalada Dooloow.

Ciidamada Itoobiya waxay si gaar ah u bartilmaameedsadeen Taliyaha Nabad sugida qaranka ee Magaalada Dooloow iyagoona ku weeraray  Taliska NISA ee   Dooloow.

Ciidamada NISA ayaa difaacay Taliyaha iydoo dagaalku geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh .

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Ciidamada Itoobiya ay ku hareeraysan yihiin xarunta ciidamada NISA,  lamana oga ujeedkooda.

Dagaalkaani tooska ah oo Dowlada Itoobiya ku soo qaaday Somalia ayaa ku soo aadaya xili Madaxweynaha Somalia Xasan Shrekh iyo Taliyaha Somalia ee NISA Mahad Salaad ay Adis-ababa ku sugan yihiin islamarkaana ay la kulmeen madaxda dhigooda ah.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 

DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -