DIINSOOR (DAYNIIILE.COM)-Dagaalamayaal ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa la soo sheegayaa inay weerar ku qaadeen fariisin Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Magaalada Diinsoor ee Gobolka Bay.

Dagaalkaan ayay labada dhinac isu adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan inkastoo aan warar madax banaan laga helin.

Advertisement

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa wata hub kala duwan iyo gaadiidka dagaalka,waxayna war ka soo saareen dagaalkaannl ay ku qaadeen ciidamada Itoobiya.

Laba askari ayay sheegeen inay dileen halka kuwo kalana ay dhaawaceen intii dagaalku socday waana intey iyagu ka war hayaan oo kaliya,mana aysan soo hadal qaadin hadii uu jiro khasaare iyaga gaaray.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleSAWIRRO: Sirdoonka Dowlada oo Baladweyne ka fuliyay howlal lagu soo qabqabtay Shabakad Alshabaab ka tirsan
Next articleMasuul ka tirsan Golaha Wasiirada Somalia oo Maxkamad looga yeeray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here