HomeWarkiiCiidamada Itoobiyaanka oo Jubaland ka caawinaya Dagaal ay ku qaadaan Balad-xaawo

Ciidamada Itoobiyaanka oo Jubaland ka caawinaya Dagaal ay ku qaadaan Balad-xaawo

BALAD-XAAWO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo xuduud beeneedka Kenya,Itoobiya iyo Somalia ka dhexeeya ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan dhaq dhaqaaqyo cidian oo lagu taageerayo ciidamada Maamulka Jubaland ee dhawaan lagu jabiyay dagaalkii ka dhacay Balad-xaawo.

Deegaanka Suufka oo la sheego inuu yahay sedex xagal wada kulmiya xuduud beebeedka sedexda Dal ee Somalia,Kenya iyo Itoobiya ayaa waxaa saldhig ciidan ka sameystay ciidamo Itoobiyaan ah oo doonaya inay Axmed Madoobe ka caawiyaan sidii ciidamadiisu mar kale ugu laaban lahaayeen Magaalada Balad-xaawo oo hada ay maamulayaan ciidamada Dowlada Somalia .

Ilo wareegyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in labada Dowladood ee deriska la ah Somalia ee Kenya iyo Itoobiya wada doonayaan inay wiiqaan Awooda ciidamada Dowlada ee hada gacanta sare leh marka la eego gacan ku heynta Gobolka Geddo.

Lama oga in ciidamada Itoobiya dagaal si tood ah uga qeybqaadan doonaan sidii Doolow ka dhacday oo kale iyo inay kaliya dhanka hubka iyo mooral dhiska ka caawin doonaan ciidamada Jubaland ee hada Kenya dhankeeda loo ceyriyay.

Dhanka kale talaabooyinka muuqda ee Dowladaha Kenya iyo Itoobiya ku caawinayan ciidamada Axmed Madoobe ayaa ku soo aadeysa xili doraad ay Dowlada Imaaraadku hub iyo gaadiid soo gaarsiisay Magaalada Kismaayo si ay ugu caawiso ciidamada Axmed Madoobe oo intooda badan Dowladu uga awood roonaatay Gobolka Geddo.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -