HomeWarkiiCiidamada Itoobiyaanka oo sedex maalin u qabtay C/rashiid Janan iyo Ciidamada Dowlada...

Ciidamada Itoobiyaanka oo sedex maalin u qabtay C/rashiid Janan iyo Ciidamada Dowlada inay uga baxaan Balad-xaawo

BALAD-XAAWO (DAYNIILE.COM)-Sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Gudoomiyaha Gobolka Geddo ee dhanka Dowlada Somalia C/laahi Shinbir Saraakiisha ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Doolow ayaa fariin digniin ah soo gaarsiiyay ciidamada Dowlada ee ku sugan Balad-xaawo taasoo ah inay sedex maalin kaga baxaan Magaaladaasi si Axmed Madoobe loogu wareejiyo.

Saraakiishaan Itoobiyaanka  waxay fariintaan soo marsiiyeen odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee Magaalada Doolow iyagoona C/rashiid Janan iyo guud ahaan ciidamadiisa uu hogaminayo ee Dowlada Somalia ay ka baxaan xerada UK ee Balad-xaawo iyo guud ahan Magaaladaasi.

“way na soo gaartay fariinta waxay na leeyihiin sedex maalin waa in ciidamada Dowlada uga baxaan Balad-xaawo si gaar ah C/rashiid Janan ayay fareen inuu sedex malin uga baxo iyagoo dhahaya amaanka waxaa xaqiijinaya ciidamadeena iyo kuwa Axmed Madoobe”ayuu yiri C/laahi Shinbir gudoomiyaha Gobolka Geddo

C/laahi Shinbir wuxuu wax lala yaabo iyo iska hadal ku tilmaamay amarka ciidamada Itoobiya ka soo baxay iyagoo waliba gudaha Somalia ku sugan.

“meesha ay nooga soo hanjabayaan waa dooloow halka ay ka baxa leeyihiin waa Balad-xaawo dhamaana waana dalkeena ,waana mid ka hor imaneysa darisnimada labada dal mana aha wax aan aqbali karo”ayuu yiri Gudoomiye C/laahi Shinbir

Gudoomiyaha wuxuu si cad u sheegay ineysan aqbalayn inay gumeysi qaataan isagoo xusay in reer Geddo aan lagu qasbi karin Axmed Madoobe oo ay hore u diideen.

“qorshaha Itoobiyaanka waxba uma tareyso Axmed Madoobe sababtoo ah dadka reer Geddo ma doonayaan isaga iyo hab maamulkiisa intaba,Dowlada Somaliyana ma aqbali karto gardaradaasi waana wax ay iska dhaheen”ayuu mar kale yiri Gudoomiye C/lahi Shinbir

XAFIISKA WARARKA SIYASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -