DOOLOOW (DAYNIILE.COM)-Wararka saaka ka imaanaya Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in xaaladu saaka degan tahay kadib weerarkii xooggana ee xalay ay ku soo qaadeen ciidamada Itoobiyaanka .
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo dagaalkaasi ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya dagaalkaasi ku qabsadeen saldhigii ciidamada Dowlada Somalia,sidoo kale waxay gacanta ku dhigeen taliyihii ciidamada Nabad sugida Qaranka ee Dooloow, iyo ciidamadii kale kaasoo saacadihii hore xalay iska difaacay weerarka Itoobiyaanka.
Ciidamada Itoobiya oo cadaaawad badan u qaba Somalia ayaa sidoo kale la soo sheegayaa inay gubeen dhamaan hubkii ay lahaayen ciidamada nabad sugida Somalia markii ay hal meel isugu geeyeen.
Wararku waxay intyaasi ku darayaan in weerarkii Itoobiyaanku xalay soo qaadeen ay u adeegsadeen madaafiic waa weyn iyagoona ku gubay xerada ciidamada Dowlada ee Doolow taasoo muujineysa ahmiyada weerarkaani Itoobiyaanku u lahaa cdaawada gaamurtay ee Somalia kala dhexeysa.
Ceebt ugu weyn ee saaka taagan ayaa ah in Dowlada Somalia wali ka hadlin fadeexada ka dhacaday Doolow iyo gumaadka ciidamada Itoobiya u geysteen ciidamadii Dowlada Somalia ee Doolow ku sugna xili waliba Madaxweynaha Somalia iyo Taliyaha Sirdoonka ay ku sugan yihiin Adis-ababa.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
