Muqdisho (dayniiile.com)-Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida Dhamme Maxamed xuseen cumar (saneey) ayaa maanta la hadlay koox ka tirsan ciidamada Milatariga Soomaaliya oo ku jirta xerada Maslac ee duleedka Xamar.
Masuulkaani ayaa uga digay ciidamada inay fududeystaan baabuurta ay baarayaan isagoona xusay in askarigii gaari magaalada soo galaya iska soo fasaxa isagoon baarin inuu isaga masuuliyada qaadi doono haduu dhibaato gaysto.
“Askarigii baabuur uusan baarin Magalaada ku soo fasaxa oo gaarigaas Magalaada ku qarxo isagaa mas uuliyaddiisa qaadanaya” ayuu yiri Dhamme Maxamed xuseen cumar (saneey) .
Xeer Ilaaliye xigeenka wuxuu tilmaamay in askariga looga baahan yahay inuu si fiican isaga hubiyo jagboyntiga uu gaadiidka ku baarayo.
“hadii aad gaari cad inta ku rogmato aad ku tiraahdo furaha lanbarkeyga waa 5 ee ii geli wixii gaarigaasi dhibaato uu geysto adigaa qaadi doona masuuliyada”ayuu mar kale yiri isagoo si cad uga digaayay laaluush qaadashada.
Mar uu u sharaxaayay waxyaabaha askartu fudueystaan balse ay ciqaabi ka dhalan karto ayuu tusaalooyin badan u soo qaatay shaqo ka tagis,amar diido taliyaha,waardiye ka tagis kuwasoo dhamaantood ay ciidamadu ku muteysan karaan ciqaab.
Sidoo kale askarta marka ay wadooyinka laamiyada marayaan ayuu uga digay inay rasaas ku furtaan ama ay dad xabad ku dhuftaan,wuxuna xusay in maxkamada ciidamadu aysan aqbali doonin jid baan furanayaay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
DAYNIIILE.COM






