Wararka ka imaanaya Duleedka dhuusamareeb ayaa sheegaya in Halkaas uu ka dhacay Dagaal u dhaxeeya Ciidamo uu la socday Jeneeraal Mascuud iyo alshabaab.

Ciidamada xoogga dalka ayaa soo bandhigay hub iyo gaadiid ay ka soo ufrteen Al-Shabaab iyo xubno ay ku dileen,kadib dagaal ka dhacay duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Ciidamadu ayaa qabtay Qori hoobiye ah, gaari ay wateen kooxda weerarka soo qaadey, qoryo fudud oo ay kujiraan 2-BKM, nin dhaawac ah iyo 8-meyd ah oo ay ka carareen.

Taliyaha  ayaa warbaahinta u soo bandhigay  hubkii ay ka furteen Al-Shabaabkii iyo Meydadka xubno uu sheegay in ay ka tirsansan yihiin Al- Shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here