BALAD-XAAWO (DAYNIILE.COM)-Dagaal xooggan ayaa maanta Magaalada Balad-xaawo wuxuu ku dhexmaray ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa Maamulka Jubaland kaasoo ugu dambeyn lagu kala baxay.Ciidamada Maamulka Jubaland ayaa wax yar kadib soo bandhigay guul weyn oo ay ka gaareen dagaal kadib markii xarumaha Dowlada ay la wareegeen islamarkaana ay ciidamadii Dowlada isaga baxeen.
Dagaalkaani ayaa yimid kadib markii maanta uu Baladxaawo gaaray C/rashiid Janan oo dhawaan Taliyaha Nabad sugida Mahad salaad uu u magacaabay Taliyaha NISA ugu qaabilsan Geddo , C/rashiid Janan ayaa ku tagay Balad-xaawo mid ka mida diyaaradaha ciidamada Xooga Dalka Heyla-kobtariska.

Guud ahaan dagaalka waxaa la soo warinayaa inay ku dhinten kuna dhaawacmeen ciidamo labada dhinacba isugu jira walow aan tiro sugan wali hay’adaha amnigu soo gudbin.
Wararkii ugu dambeysay ayaa sheegaya in C/rashiid Janan iyo ciidamadiii la socotay u talaabeen xuduuda Kenya waxayna ceeb u tahay markii labaad siyaasada Dowada Faderaalka Soomaaliya oo qorshe la’aan galeysa dagaal aysan ka fiirsan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM






DAYNIILE.COM







