HomeWarkiiCiidamada Jubaland oo saaka weerar culus ku qaaday Alshabaabka shalay qabsaday Kudhaa

Ciidamada Jubaland oo saaka weerar culus ku qaaday Alshabaabka shalay qabsaday Kudhaa

KUDHAA (DAYNIILE.COM)-Deegaanka Kudhaa ee Gobolka Jubada Hoose waxaa la soo sheegayaa inuu maanta ka socdo dagaal aad u culus oo gacmaha la isul tagay sida kii shalay kadib markii Ciidamada Jubaland Saaka qaaadeen weerar rogaal celis ah iyagoona ku duulay Kudhaa oo shalay Alshabaab la wareegeen.

Wararkii ugu danbeeyay ee laga helaayo dagaalka ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Jubaland tikliko badan u direen aagaasi islamarkaana ay raja ka qabaan inay maanta dib gacantooda ugu soo celiyaan.

Xogaha madaxa banaan ee la helayo waxay sheegayaan in Alshabaab ku mintidayaan Deegaanka Kudhaa iyagoo doonaya inay sii heystaan waxayna uu dagaalku u muuqdaa mid sii xoogeysanaya iyadoo hubka nuucyadiisa kala duwan la isu adeegsanayo.

Wixii soo kordha wararkeena danbe ayaad kaga bogan doontaan insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -