Ciidamada Jubbaland ee uu fadhigoodu yahay degmada Afmadow iyo Ciidanka ATMIS ayaa maanta waxaa ay hawlgallo ka sameeyeen deegaanada Miidoow, Harboole iyo Qumbi oo ka mid ah degaanada hoostaga Afmadow.

Hawlgalkaan ay maanta sameeyeen Ururka 9aad ee Ciidamada daraawishta Jubbaland ayaa ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab, iyadoo ay ciidamadu burburiyeen saldhigyo ay kulahayeen deeganadasi.

Ciidankan oo uu horkacayey Taliyaha ururka 9aad ee ciidanka darawiishta degmada Afmadow G/Dhexe Mahad Maxamed Islaam ayaa sidoo kale qarxiyey miinooyiin ay Al-Sabaab galiyeen wadooyiinka .

Gashaanle Dhexe Mahad Maxamed Islaam oo ka hadlay howlgalkan ay sameyeen ciidanka ayaa sheegay in ay weerer ku qadeen fariisamo ay Al-Shabaab ku lahayeen deegaanada Miidow, Harboole iyo Qumbi halkaas oo ay ku soo qabteen mootooyiinka ay aAl-Shabaab u isticmaali jireen in ay shacabka ku dhibateeyaan wadooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here