HomeWarkiiCiidamada Kenya oo Alshabaab ku laayay Keynta Booni

Ciidamada Kenya oo Alshabaab ku laayay Keynta Booni

LAMU (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Kenya ayaa la soo sheegayaa inay Alshabaab badan ku dileen howlgal ay ka sameeyeen Keynta ama duurka Booni oo ka tirsan magaalada xeebeedka Lamu , goobta iska hor imaadku ka dhacay ayay fariisin  lahaayeen  dagaalyahanada Alshabaab.

Warar ay qoreen wargeysyada Kenya ayaa lagu shaaciyay in ciidamadu howlgalka ku dileen ilaa 5 ka tirsan kooxda Alshabaab kadib iska hor imaad toos ah oo dhex-maray,khasaaraha dhanka Kenta warbixinta laguma sheegin.

Wararka dhanka kenya laga helayo waxay sidoo kale sheegayaan in Alshabaab laga qabsaday hub iyo qaraxyo la sheegay inay doonayeen inay ku weeraraan ciidamada Kenya.

Inta badan kooxda Alshabaab ayaa aagaasi waxay ka geysan jireen qaraxyo ay u dhigaan ciidamada Kenya, howlgalkaan waxay ciidamada kenya ku doonayeen inay ka hortagaan qorshayaasha Alshabaab.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -