HomeWarkiiCiidamada Kenya oo toogtay Soomaali Taksiile ahaa

Ciidamada Kenya oo toogtay Soomaali Taksiile ahaa

Ciidamada Booliiska Kenya  ayaa xalay si bareer ah waxay u toogteen Wiil Soomaali ah oo 25 jir ahaa Alaha u naxariistee kaasoo ahaa taksiile ku shaqeysta baabuurkiisa sida ay cadeeyeen dad goob joog ahaa.

Taksiilaha oo lagu magacaabi jirey Axmed Sheekh Cumar ayay ciidamada Kenyaanku Rasaas madaxa kala dheceen xili uu marayay ama ku sugnaa Deegaanka Modika ee ismaamulka Garissa,ehalada wiilka ayaa ku hanjabay inay aargoosan doonaan hadii aan sharciga la hor keenin askarta dishay wiilkooda.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in dhacdadaan uu ka hadlay Wakiilka laga soo doortay waaxda Baraki Hassan Geley ,wuxuuna sheegay in meydka Ahmed Sheikh Cumar ay baaritaan ku sameeyeen saraakiisha dambi baarayaasha DCI, iyo ciidamada taraafikada ,iyadoo ay goob joog ka ahaayeen qoyskiisa.

Hassan Geley wuxuu ugu baaay ciidamada dambi baarista DCI-da in ay dadajiyaan baaritaanada si aysan u baxsan loona soo qabto askartii ka dambaysay dilka taksiilaha aadka u da’da yaraa Rabi ha u naxariistee.

Dhanka kale waxaa dib loo dhigay aaska wiilka ay ciidamadu toogteen si loo sugo dhakhaatiir ka imaanaya Nairobi kuwaasoo ku takhasustay baaritaanada meydka.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -