HomeWarkiiCiidamada Kenya oo xabsiga dhigeen Wiilal Somali oo Gabdho Kenyan ah jir-dil...

Ciidamada Kenya oo xabsiga dhigeen Wiilal Somali oo Gabdho Kenyan ah jir-dil u geystay

NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Booliiska Kenyagaar ahaan kkuwa Nairobi ayaa xalay xabsiga dhigay 23 Wiilal Soomaaliyeed ah kuwaasoo badankood isugu jira 20 jiro iyo ka sii yar waxaana ku jirta hal gabar oo iyadana dhalinyaradaasi lala soo qabtay sida sawirka aad ka arki karto.

Dhalinyaradaan waxay ku eedeysan yihiin muuqaalo ay baraha bulshada soo dhigeen oo ay ku muujiyeen iyagoo Gabdho ajaanib ah oo qaarkood Kenyan yihiin jir dil aan sidaas u weyneyn ku sameynaya oo waliba iyaga agtooda aad uga sahlan ,waxay muuqaalada ku muujinayaan sida iyagoo raba inay xoog jirkooda ku taab taabtaan marka ay iska qabatana lugaha isugu dhuanaya.

Dhalinyaradaan oo dhamaantood degan xaafada Islii ee Soomaalidu ku badan tahay ayaa xalay u hoyday xabsiga caanka ah ee Pangani waxaana xogaha aan helnay ay sheegayaan in isla maantaba laga yaabo in Maxkamad la soo taago.

Inta badan dhalinyarada sidan oo kale anshaxumo loo qabto hadii aysan sharci heysan waxaa la sheegaa in Maxkamadu kaliya ku xukumi karto masaafurin xili baraha bulshada laga hadal hayo xitaa ineysan aqoon luuqadaha dalka Kenya looga hadlio sida Ingiriis iyo Sawaaxili.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

May be an image of one or more people

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -