BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Madaxweynihii Maamulka Koofurgalbeed C/casiis Laftagareen ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Baydhaba kadib markii ay heshiis la gaareen Dowlada Faderaalka Soomaaliya.
Ciidamada Laftagareen oo kubsugnaa Dewgaanka Awdiinle ee duleedka Baydhaba tan iyo markii xukunka laga tuuray ayaa waxaa Maanta Baydhaba ku soo dhaweeyay Taliyayaasha Nabad sugida Qaranka Mahad Salaad iyo Booliiska Asad Diyaano.
Mahad Salaad iyo Asad Diyaano waxay ciidamadii hore ee Laftagareen u sheegeen inay yihiin ciidamo Soomaliyed ayna sii ahaan doonaan islamarkaana aysan waxba ka halaabeyn
Ku biirista Dowlada ee Ciidamada Laftagareen ayaa yimid kadib dadaal badan oo ay sameeyeen siyaasiyiinta reer Koofurgalbeed ee Dowlada xilalka ka haya.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA




