HomeWarkiiCiidamada Liyu Pooliis oo dad shacaba ku laayay Magaalada Wajeelle

Ciidamada Liyu Pooliis oo dad shacaba ku laayay Magaalada Wajeelle

WAJAALLE (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo xad beeneedka Somalia iyo Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa loo yaqaan Liyu Pooliis inay dad shacaba ku laayeen Magaalada Wajaale ee isku xirta Itoobya iyo Maamulka Somalilan halkaasoo ay maamusho Dowlada Itoobiya.

Shacabka reer Wajaalle ayaa shalay ilaa xalay dhigay dibad bax ay kaga cabanayeen dil loo geystay  Maayar ku xigeenkii Wajaallle oo lagu magacaabi jirey Maxamed Iimaan balse ciidamada Liyuu Pooliis ayaa rasaas ku furey dibad baxayaasha taasoo keentay in goobta ay ku dhintaan qaar ka mid ah dadkii shacabka ahaa ee banaan baxayay.

Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo soo garay qaar kale oo ka mida dadkii dibad-baxyada dhigayay kuwaasoo goobaha caafimaadka la gaarsiiyay,waa lagu kala cararay isu soo baxa markii rasaas nool nool lagu furey.

Dhanka kale Maamula Wajaalle iyo Taliska Booliiska midkoodma ma faah-faahin tirada dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay  rasaasta lagu furey isu soo baxayaasha.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIIL.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -