Ciidamada liyuu Boolis ayaa waxaa ay rasaas ku fureen dad Shacab ah oo banaanbax ka dhigayay degmada Dhuxun ee Gobolka Nogob ee dowlad degaanka Soomaalida, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Dadka Shacabka ah oo u badnaa Haween ayaa ka banaan baxayay Carruur ay dhaleen oo dagaalamay kadibna Ciidamadu ay xireen, waxaana rasaasta ku geeriyootay Haween Magaceeda lagu sheegay Nimco halka 5 kale oo Haween ah ay dhaawacmeen.

Qaar kamid ah Bulshada kunool degmada Dhuxun ayaa walaac ka muujiyay tallaabada ay Ciidamada liyuu Boolis ku rasaaseeyeen dad ku bannaan baxayay Saldhiga Booliska hortiisa, iyaga oo dalbaday in askarta falkaasi geysatay Cadaaladda la horgeeyo.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada liyuu Boolis ay sidoo kale xireen qaar kamid ah hooyooyinka banaanbaxa dhigayay, waxaana arrintan faragelin ku sameeyo si xal loo helo Odayaasha degmada Dhuxun ee dowlad degaanka Soomaalida.

Ciidamada liyuu Boolis dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxaa ay marwalba dhibaatooyin kala duwan u geystaan dadka Shacabka ah, waxaana dhowr jeer ay si bareer ah u dileen Shacab Soomaali ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here