HomeWarkiiCiidamada Maamulka Jubaland oo Alshabaab ka qabsaday keydkii ugu weynaa ee hubkooda+SAWIRRO

Ciidamada Maamulka Jubaland oo Alshabaab ka qabsaday keydkii ugu weynaa ee hubkooda+SAWIRRO

Ciidamada Jubbaland oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa maanta soo bandhigay keydkii ugu weynaa ee Khawaarijta, kadib markii ay fuliyeen howlgal afar (4) maalmood ka socday howdka degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu jabiyay Khawaariijta, loogana furtay saanad ciidan oo xoog leh.

Ciidamada oo burburiyay saldhigyadii Khawaarijta ayaa soo bandhigay xarumihii saadka, isgaarsiinta, keydadkii qaraxyada iyo hubka ee Khawaarijta, kuwaas oo ay u adeegsan jireen weerarro ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka ay ku dileen in ka badan 60 Khawaarij ah oo horjoogayaal ay ku jiraan.

Ciidamada ayaa maanta soo bandhigay qalab u badan miinooyin iyo qoryo laga furtay cadowga Khawaarijta ah, maadooyinka laga sameeyo qaraxyada, qalabka isgaarsiinta, hub iyo agab kale oo argagixisadu ay adeegsan jireen.May be an image of textNo photo description available.No photo description available.May be an image of motorcycle and dirt bikeNo photo description available.May be an image of tree and textMay be an image of climbing and treeMay be an image of mosquito net and textNo photo description available.No photo description available.May be an image of treeMay be an image of campsite, mosquito net and treeNo photo description available.May be an image of campsiteNo photo description available.No photo description available.May be an image of body of water and treeNo photo description available.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -