CALMISKAAD (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Maamulka Puntland ee dagaalka kula jira kooxda Daacish ayaa la soo sheegayaa inay gacanta ku dhigeen Laba Dagaalame oo ajnabi ah kuwaasoo u dhashay dalka Yemen, xili ay ka bar bar dagaalamayeen kooxda Daacish.
Aaga Dagaalka ee Buuraha Cal-miskaad ayaa laga qabtay waxaana loo soo bandhigay warbaahinta xili maalmo ka horna tira badan oo ajaanib ah ay Puntland soo bandhigtay kuwaasoo iyagana ka dagaalamayay buuraha Calmis-kaad Gobolka Bari ee Maamulka Puntland oo mudo sanad ah ay dagaalo ka socdaan.
Maamulka Puntland wuxuu sheegay in sharciga lala tiigsan doonaan labadaani nin ee Yemen u dhashay madaama ay Daacish u dagaalamayeen.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
