Sida aan ka soo xiganay TV-ga Puntland Ciidamada Dowladd Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa gacanta ku dhigay nin Ajnebi ah oo katirsan firxadka kooxda argagixisada ah ee Daacish, kaas oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Turkiga.
Ninka oo ku hubeysnaa qoriga AK-47 ayaa xilliga la qabanayay biyo ka dhaansanayay Ceel, Waxaana ku socota baaris.
Firxadka Daacish ayaa hadda bilaabay in si Kali kali ah ay u kala baxsadaan, taas oo muujinaysa guulaha ciidamada Difaaca Puntland ka gaareen howlgalka ciribtirka argagixisada ee ka socda Cal-miskaad.
