Wararka laga helaayo Magaalada Mahadaay ee Gobolka Sh.dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Macawisleyda ee deegaankaasi ay fursad siiyeen Alshabaabkii ku go’doonsanaa deegaanka Ciid ciidka.
Macawisleyda ayaa la soo sheegayaa inay ka soo baxeen deegaanka Ciid ciidka halkaasoo ay mudo asbuuc ah ku go’xdoonsanaayeen Alshabaab tiradooda lagu sheegay tiro ka badan 3 boqol.
Khilaaf soo kala dhex-galay macawisleyda ayaa la sheegay inay keentay inay dib uga soo gurtaan aagagii ay ku hor taagnaayeen dagaalamayaasha Alshabaab.
Warar kale ayaa sheegaya in ciidamo badan oo Alshabaab kuwaasoo gurmad u ah kuwa go’doonsan ay soo gaareen meel u dhaw ciid ciidka, waxaana la sheegay inay rabaan wabiga inay ka soo gudbaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Previous articleAl-shabaab oo dhaq dhaqaayo ka bilaabay inta u dhexeysa Balcad iyo Qalimow
Next articleQarax Balad weyne lagula eegtay goob ganacsi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here