War laga helay sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowlada ayaa sheegaya in Dowlada Soomaaliya wax ka badashay hababkii loola tacaamuli jirey maleeshiyadka beelaha ee loo yaqaan Macawisleyda.

Sarkaalkaan oo u waramay idaacada VOA-da laanteeda afka Soomaaliga islamarkaana qariyay magaciisa ayaa sheegay in sidoo kale wax laga badalay hababkii dagaalada loo maamuli jirey wixii ka danbeeyay jabkii dowlada ka soo gaaray deegaanka Cows-weyne.

Advertisement

Sarkaalkaan wuxuu sheegay in ciidamada deeganka ee macawisleyda loo yaqaan hada kadib la siiyay awood dheeraad ah taasoo ah inay iyagu hogaamin doonaan Dagaalada isla-markaana Ciidamada Dowladu ay caawin doonaan oo kaliya.

Sidoo kale Dowladu waxay go’aamisay in guno la siin doono ehalada ciidamada macawisley si ay u sii kaashtaan nolol maalmoodkooda.

Talaabadaan ayaa loo xilsaaray taliska Nabad sugida qaranka Soomaaliya si ay usoo diiwaan geliyaan tirda ciidamada macawisleyda ee furumaha ku sugan iyo guud ahaantooda.

Lama yaqaan talaabadaan sababta Dowladu u qaaday waxaase loo qaadan karaa in la arin midood in taatiko badal ay tahay ama in macawisleydu kaga fara dhuuban yihiin kuwa Dowlada dhanka dagaalada juqda la isla galo ama adkeysiga difaac dhigashada.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleWasiirkii arimaha gudaha Galmudug oo sheegay in Madaxweyne xigeenku awoodin inuu xilka ka qaado
Next articleWaan ka xumahay in isteed Axmed Naaji lagu aaso London

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here