ilaalada ka howl-gala gudaha xarunta madaxtooyada ee loo yaqaano Koofiyada Casta ayaa xalay saq-dhexe howl-gal qorsheysan ka fuliyey xaafadaha ku dhow Villa Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in si gaar ah howl-galka loogu qaaday degmooyinka Warta Nabadda iyo Boondheere, gaar ahaan guryaha ku dhow dhismaha madaxtooyada.

qaarkamida dadka deegaanka ayaa ii sheegay in ciidamadu ay gudaha u galeen xaafadaha degmooyinkaasi, islamarkaana ay soo qab-qabteen dad u badan dhalinyaro.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhalinyaradaasi la’isugu keenay hal goob, kadibna lagu sameeyey baaris, iyada oo qaarkood lasii daayey, kuwa kalena la xiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here