HomeWarkiiCiidamada Mareykanka oo amarkii Trump ku dilay sedex nin oo  saarnaa markab...

Ciidamada Mareykanka oo amarkii Trump ku dilay sedex nin oo  saarnaa markab laga leeyahay Dalka Venezuela 

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay mar kale weerar ku qaadeen markab marayay gobolka Kariibiyaanka, halkaasoo ay ku dileen ugu yaraan saddex nin oo la socday markabka kaasoo laga leeyahay Dalka Venezuela.

Qoraal uu soo dhigay barta X goor dambe oo Sabtidii ah, ayuu Hegseth ku sheegay in weerarka lagu fuliyay amarkii madaxweyne Donald Trump oo lala beegsaday markab sirdoonka Mareykanku u yaqaaneen inuu ku lug lahaa tahriibinta maandooriyaha sharci darrada ah.

Waxa uu sheegay in saddex nin oo argagixiso ah ay saarnaayeen markabka intii uu socday howlgalka, kaas oo laga sameeyay biyaha caalamiga ah,wuxuuna cadeeyay inay howlgalka ku dileen 3-daas nin.

Weerarkan oo dhacay Sabtidii ayaa daba socday mid kale oo Arbacadii lagu dilay afar nin iyo qaraxyo xiriir ah oo lagu dilay 14 kale Isniintii.

Howlgalka oo billowday horraantii bishii Sebtembar ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 62 qof, waxaana lagu burburiyay 14 doomood iyo mid yar oo dhulka hoostiisa mara.

Maamulka Trump ayaa sheegay in weerarradan ay ku bartilmaameedsanayaan tahriibinta daroogada, balse weli ma aysan soo bandhigin wax cadeymo ah oo shacabka lagu xaqiijinayo sheegashadooda.

Dadka dhaleeceeya ayaa weerarradaas ku tilmaamay nooc dil ka baxsan sharciga iyo xadgudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah, kaas oo inta badan ka mamnuucaya waddamada in ay awood millatari u adeegsadaan dadka aan dagaalladu ka jirin ee ka baxsan aagga colaadda.

Wakiilka sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka Volker Turk ayaa bayaan uu soo saaray Jimcihii ku dhalleeceeyay werarada “iyo kharashkooda sii kordhaya ee bini’aadantinimada” kuwo aan la aqbali karin.

“Maraykanku waa inuu joojiyo weerarrada noocan oo kale ah oo uu qaado dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si looga hortago dilka sharci-darrada ah ee dadka doomahaas la socda, wax kasta oo fal-dembiyeedka lagu soo oogay iyaga,” ayuu yiri Turk.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMTrump announces deadly US strike on another alleged Venezuelan drug boat |  Trump administration | The Guardian A combination image shows two screen captures from a video posted on the X account of The White House on September 15, 2025, depicting what U.S. President Donald Trump said was a U.S. military strike on a Venezuelan drug cartel vessel that had been on its way to the United States,

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -