HomeWarkiiCiidamada Mareykanka oo beeniyay inay Daacish dagaal dhulka ah kula galeen Puntland

Ciidamada Mareykanka oo beeniyay inay Daacish dagaal dhulka ah kula galeen Puntland

Kadib markii dhawaan Warbaahinta madaxa banaan ee Somalia iyo kuwa kalaba shaaciyeen in ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ay dhulka usoo degeen islamarkaana howlgalna ka sameeyeen Toga Baaladke ee deegaanada Puntland ayay Mareykanku iminka beeninayaan.

Taliska AFRICOM waxay sheegeen inaanu waxba ka jirin wararkaasi sheegaya inay dhulka ka fuliyeen howlgal ka dhan ah Daacish.

Mar ay ka hadlayeen weerarkoodii ugu danbeeyay ayay sheegeen inuu ahaa todobaadkii hore balse islamarkaana uu ahaa weerar ay xaga cirka ka fuliyeen,ayna adeegsadeen diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee MQ-9 Reaper, kuwaasoo dagaalamayaasha Daacish hoobiyayaal ugu geliyay god weyn oo ay ku dhuumanayeen Daacish.

Afhayeen u hadlay AFRICOM ayaa sheegay in weerarkii ugu dambeeyay oo dhacay todobaadkii hore uu u ahaa duqeyn ay sameeyeen diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee MQ-9 Reaper, taas oo hoobiyeyaal ku tuurtay gudaha god weyn oo ay ku jireen xubno ka tirsan Daacish.

Weerarkaasi Mareykanku qaadeen waxaa la sheegay inay ku dileen sarkaal ka tirsan kooxda Daacish iyo dagaalamayaal ay sidoo kale dileen walow Taliska AFRICOM  joojiyeen inay sharaxaad ka bixiyaan howlgaladooda iyo khasaaraha ka dhasha intaba.

Afhayeenka wuxuu sidoo kale warbaahinta u sheegay in sanadkan ay fuliyeen 101 weerar, inta badana ay ku bartilmaameedsadeen Daacishta Soomaaliya, guud ahaan howlgalada ayuu sheegay inay kala tashtaan Dowlada Somalia.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -