Diinsoor (dayniiile.com)-Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ku jooga magaca Atmis ayaa saaka madaafiic ku garaacay duleedka Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay halkaasoo dad shacaba ay daganaayeen.

Wararku waxay tilmaamayaan in dadka shacabkaa ay la yaabeen markii dushooda uu mar kaliya ku soo daatay tiro madaafiic ah oo ka yimid dhanka ciidamada Atmis.

Advertisement

Ciidamadaan Atmis waxaa la sheegay inay Itoobiyaan yihiin kuwaasoo lagu yaqaan inay dhinacyada u firdhiyaan madaafiic hadii ay dareemaan weerar ama dhaq dhaqaaqyo kooxda Alshabaab.

lama soo sheegin khasaare nafeed oo soo gaaray dadka shacabka ah ee madaafiicdu ugu tageen xaafadahooda.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleLaba Askari oo maanta Xukun dil ah lagu fuliyay
Next articleMadaxweyne Saciid Dani oo Maanta magacaabay laba xil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here