MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Waxaa goor dhaw ku soo dhamaaday Madaxtooyada Somalia munaasabad Ciidamada Qaranka Soomaaliya loogu wareejinaayay amaniga Villa Somalia oo tan iyo Madaxweyne C/laahi Yuusuf Rabi ah u naxariistee ay amniga soo hayeen ciidamo Midowga Afrika ka socda.

Taliyaha Ciidamada Atmis iyo Taliyaha Milatariga Somalia ayaa goob joog ahaa munaasabada sidoo kale waxaa goob joog ahaa masuuliyiin ka kala socday Qaramada Midoobe iyo Midowga Afrika.

Advertisement

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Madaxtooyada ku soo bandhigay ciidmada qaranka oo u diyaarsan inay sugaan amniga goobaha muhiimka ah sida Madaxtooyada.

Taliyaha wuxuu uga mahadceliyey saraakiisha iyo askarta ATMIS ee sanaddada badan ku gacansiinaysa sugidda amniga hoggaanka dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna ugu hambalyeeyey Guutada 77-aad ee Xoogga Dalka la wareegidda masuuliyadda amniga Madaxda dalka, wuxuu  tilmaamay in tallaabadani ay ka tarjumeysa dib u soo laabashada cududda iyo awoodda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Taariikh kale ayaa u qormeysa Dalka madaama 16 sano kadib Ciidamada Xoogga dalka lagu aaminay inay sugui karaan amniga Madaxdooda qaranka iyo goobaha muhiimka ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

May be an image of 1 person, dais and text that says "ONS OF CURI"May be an image of 10 people and textMay be an image of 7 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 5 people and textMay be an image of 8 people and textMay be an image of 10 people and textMay be an image of 11 peopleMay be an image of 7 peopleMay be an image of 13 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 4 people, dais and text
Previous articleWarka ka soo baxay C/rashiid Abwaan hanjabaad mise?
Next articleDiyaaradaha Drons-ka oo fuliyay Howlgal lagu beegsaday Sarkaal Alshabaab ka tirsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here