MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa soo farageliyay oo sida ugu dhaqsiyaha badana wax uga qabtay cabashada gabadha caanka ah ee Koko Bulle taasoo muuqaal ay soo duubtay iyadoo oyneysa sheegtay in ciidamada NISA ee Garoonka diyaaradaha Muqdisho ay xad-gudub ugu geysteen.
Ciidamada NISA ayaa tilaabo deg-deg ah waxay ka qaadeen askartii ay cabashada ka soo gudbisay Kooko Buulle kuwaasoo ka mid ahaa Askarta NISA ee ka howlgala gudaha garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho,sidoo kale Saraakiil NISA ka tirsan ayaa aaday qoyska Koko Bulle si ay uga raali geliyaan tacadiga loo geystay inkastoo aan wax dhibaato ah nafteeda la gaarsiin waxay ka cabaneysay algaado iyo in gaarigii ay saarnayd wado uu si sharci ah ugu socday laga celiyay.
Gabadhaan oo caan ka ah baraha bulshada gaar ahaan aalada Tiktiok ayaa muuqaal ay iska soo duubtay waxay aad uga cabatay in gaadiid ay wateen dad ajaanib ah oo ay iyada gaari ay wadatay oo ka soo horeeyay lagu qasbay in ajaanibta laga hor marsho iyadoo muwaadin soomaaliyeed ah taasoo ay aad uga cabaneysay .
Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho waxaan Alle mahadiis ah halkii shacabka la isla leyn jirey in maanta la soo gaaray in la dilo muwaadinka iska daaye in xitaa cay iyo waa la iga hor maray darteed loogu hiilinayo shacabka Soomaaliyeed ee mudo la soo ciiloonaayay cadaala daro iyo amni xumi intaba.
XAIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMÂ
DAYNIILE.COMÂ
