Muqdisho (dayniiile.com)-Ciidamada Nabad Sugida Gobolka Banaadir ayaa Caawa waxay Muqdisho ku qabteen wiil baraha Bulshada ku faafiyay qoraalo uu Alshabaab ku taageerayo islamarkaana Madaxweyne Xasan uu ku dhaliilayo.
Ninkaan oo lagu magacaabo Maxamuud Maxamed Ibraahim oo loo yaqaan Abwaan Jeesto ayaa ka soo jeeda Magaalada Burco ee dhulka Somaliland.

Wiilkaan sida Facebook-giisa ku cad wuxuu si boor isku qarisa uga soo horjeedaa shaqada  Dowlada gaar ahaan dagaalka Alshabaab ay Dowladu kula jirto.

Qoraalkiisii ugu danbeeyay wuxuu aad u dacniyay Madaxweyne Xasan iyo siyaasadiisa Dagaalka ka dhanka ah Dagaalamayaasha Alshabaab waana sababta loo tuhmi karo inay keentay xarigiisa.

Advertisement

Wuxuu qoraalkiisa si cad ugu sheegayaa in hadii Ciidamada Midowga Afrika eek Atmis baxaan uu dhici doono Isbadal uu ku tilmaanay dhul gariir oo kale.

Dhawaan ayay ahayd markii Taakeeye laga soo xirey Dalka Kenya isagoo ku eedeysan fikir xagjirnimo sida Dowladu sheegtay, sidoo kale Abwaan Nageeye Cali Khaliif oo isna ka soo jeeda Somaliland ayaa la waayay kadibna waxaa la faafiyay inuu Alshabaab ku biiray.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleDowlada Kenya oo soo bandhigtay Magacyada,Sawirada iyo Dalalka ay u dhasheen  35 ka mida Alshabaab.
Next articleMadaxweynaha Jamhuuriyadda oo kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka Koonfur-galbeed+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here