Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen degmada Dharkenlay ee magaalada Muqdisho waxay ku soo qabteen Haweenay Gurigeeda uu ku keydsanaa Hub iyo waxyaabaha Qarxa.

Howlgalkaan guuleystay ayaa yimid kadib go’aankii Madaxweyne Xasan Sheekh uu maalin ka hor uga dhawaaqay Muqdisho, kaas oo ahaa in Khawaarijta Garan-waaga ah ee dadkeena ku dhex jirta, hadana ugaarsaneysa deg deg looga soo dhex saaro.

Saraakiil ka tirsan ciidanka ammaanka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in haatan uu socdo baaritaan lagu haayo Haweenaydaan iyo hubka lagu soo qabtay, isla markaana loo gudbin doono Maxkamad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here