Ciidamada Nabad sugida Qaranka iyo Booliiska ayaa maanta galeen guriga Colnel Abuukar Cali Boonow oo ah Taliyaha ururka 31aad ee guutada Seddaxaad ee xoogga waxayna kala baxeen gaari uu lahaa xili uu furumaha hore ee dagaalka Gobolka Sh,dhexe uu jiro.
Taliyaha ayaa qoraal gaaban uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu kaga hadlay dhacdadaani isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay in isagoo ah Taliye Milateriga ka tirsan shaqadiisana jira in gurigiisa loo daba maro.

