Ciidamada Nisa kuwooda sida gaarka ah u tababaran ee Duufaan ayaa waxaa ay howlgallo amniga lagu xaqiinayay ka sameeyeen degaannada buuralayda ah ee kuyaal duleedka Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Howlgalka ayaa ka dambeeyay kadib markii dhowr jeer falal amni darro ay ka dhaceen degmada Garbahaareey, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada.

Ciidamada Duufaan ee NISA oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadooda kala duwan ayaa tegay dhulka Buuraleyda ah ee duleedka degmada Garbahaareey, halkaas oo mararka qaar lagu arko Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa waxaa ay sheegeen inay waddooyinka ka saareen miinooyin dhowr ah oo ay ku Aaseen Al-Shabaab si ay dadka ugu dhibaateeyaan.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in howlgallada ay sii wadi doonaan ilaa ay Al-Shabaab ka saarayaan degaannada u dhow degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo, halkaas oo la filayo in dhawaan lagu qabto doorashada 16 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka.

Howlgalkaan Ciidamada Duufaan ee NISA ka sameeyeen degmada Garbahaareey ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar hoobiyeyaal ah ku qaadeen Saldhiga Ciidamada dowladda ee degmadaas walow Saraakiisha Ciidamadu ay sheegeen inay qabteen raggii weerarkangeystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here