HomeWarkiiCiidamada Puntland oo deegaano hor leh ka qabsaday Daacish+SAWIRRO

Ciidamada Puntland oo deegaano hor leh ka qabsaday Daacish+SAWIRRO

May be an image of 4 peopleCAL-MISKAAD (DAYNIILE.COM)-Wararla ka imaanaya Puntland ayaa sheegaya in ciidamada daraawiishta maamulkaasi dagaal kula wareegeen deegaano fariisimo u ahaa kooxda Daacish kadib dagaalo halkaasi labada dhinac ku dhexmaray.
Ciidamada guulaha gaaray ayaa ah guutada 1-aad ee Ciidamada Difaaca Puntland waxayna Daacish ka saareen Ceelka Garooba, Ceelka Dhasaqan, Lugta Dhanaan, deegaanka Ablaaya iyo buuraha Dalfalo oo ka tirsan buuraha Calmiskeed ee togga Baallade.
Wararka ku saabsan dagaaladii ugu danbeeyay ee Ciidamada Puntland deegaanada kula wareegeen ayaa sidoo kale sheegaya in Daacish laga eryay godad iyo goobo u ahaa kaydadka saadka.
Sidoo kale Dagaalamayaasha Daacish waxaa laga xaaray difaacyo ay ku ilaalinjireen dumarka iyo caruurta,kadib markii Daacish la jabiyay waxay ciidamadu ku raad joogaan firxadka kuwa ka cararay goobaha laga saaray.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamudu Ceydiid Dirir ayaa markii ugu horeyay sheegay in howlgalka ay Daacish kula dagaalayaan dhowr bilood walina aysan ka wada saarin Puntland ayuu sheegay inuu howlgalkaani ka adag yahay kii 80 dawladdood aragagixisada kula galeen Ciraaq iyo Siiriya.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of 6 peopleMay be an image of 1 personMay be an image of 8 peopleMay be an image of 8 peopleMay be an image of 7 peopleMay be an image of 1 person
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -