Puntland ayaa sheegtay in ay dishay madaxii hawl-galada Daacish-ta gobolka Bari oo lagu magacaabi jiray Abu-Albara Al Amani.

War qoraal ah oo ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in Abu-Albara lagu dilay weerar ay habeen hore kooxda Daacish ku soo qaaday saldhiga degmada Ballidhidin ee gobolka Bari.

Abu Albara Al Amani ayaa Booliska Puntland sheegay in uu ka soo jeeday GOBOLKA AMXAARADA ee dalka ITOOBIYA, uuna Itoobiyaan badan ku khasbay in ay ku biiraan kooxda Daacish.

Dhanka kale weerarka ay Daacish ku qaaday saldhiga degmada Ballidhidin waxaa ku dhintay hal askari ka tirsan Booliska Puntland.

Halkan kala socda Aqbaartii ugu dambeeyey ee Dalka iyo Dibadda

Www.dayniile.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here