HomeWarkiiCiidamada Puntland oo fuliyay hawlgal sifeyn ah oo ka dhan ah Daacish+SAWIRRO

Ciidamada Puntland oo fuliyay hawlgal sifeyn ah oo ka dhan ah Daacish+SAWIRRO

Ciidamada Dowladda Goboleedka Puntland ayaa tan iyo saaka si guul leh uga wadaan hawlgal sifeyn ah oo ka dhan ah firxadka argagixisada Daac1sh kuwaas oo ku dhuumaaleysanaya buuraleyda Cal Miskaat.
Hawlgalkan oo si taxaddar leh loo qorsheeyay, waxaa qeyb ka ah diyaaradaha dagaalka kuwaas oo taageero xoogleh siinaya ciidanka, si loo xaqiijiyo burburinta meelaha ay argagixisadu ku dhuumanayaan iyo in gebi ahaanba laga saaro deegaanka firxadkooda.
Ujeeddada hawlgalka ayaa ah xaqiijinta amniga deegaanka Cadalle iyo Togga Baallade, isla markaana lagu ciribtiro khatarta kooxaha argagixisada ee halista ku ah shacabka iyo degganaanshaha gobolka.
Wararka hordhaca ah waxay muujinayaan in ciidamada ay horumar weyn sameeyeen, isla markaana gacanta ku dhigeen meelo muhiim ah oo ay horey u joogeen firxadka Daac1sh.May be an image of 4 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of helicopterMay be an image of 6 people
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -