HomeWarkiiCiidamada Puntland oo howlgal cusub ka fuliyay buuraha Calmiskaad.

Ciidamada Puntland oo howlgal cusub ka fuliyay buuraha Calmiskaad.

BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in maanta ciidamada Puntland ee la dagaalanka Daacish ay fuliyeen howlgal ka dhan ah kooxdaasi gaar ahaan meelaha kooban ee ay ku harsan yihiin Daacish.

Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad ayaa daboolka ka qaaday in wajiga 4-aad ee howlgalkaani Hilaac ay ciidamadu maanta isku fidiyeen deegaano ay kaga daba tageen firxadka dagaalamayaasha Daacish oo wajiyadii hore meelo badan laga soo saaray.

Warkaan k soo baxay saraakiisha hogaamineysa Howlgalka Hilaac ayaa sidoo kale lagu shaaciyay 98% laga saaray maleeshiyaadka Daacish deegaanadii ay ku sugnaayeen markii awoodoodii la wiiqay kadib in ka badan lix bilood oo si toos ah uu u socday howlgalka.

“mar hadii awoodii daacish aan ku burburinay intii howlgalku socday waxay ka dhigan tahay in tira yar oo baxsad ah ay ka hareereen iyagana lagu raad joogo”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -