Sida aan ka soo xiganay warbaahinta maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Ciidamada geesiyaasha ah ee Dowladda Puntland ayaa maanta ku guda jiro howlgal culus oo firxadka argagixisada Daacish looga sifeynayo Togga Baallade, gaar ahaan Ceelasha Baarakallah iyo Shakaal.
Geesiyaasha Puntland ayaa cagta mariyay difaacyo ay sameynteen firxadka argagixisada Daacish, iyagoo laayay maleeshiyaad kamid ah argagixisada.
Dagaalka culus ayaa weli socda, ciidamada Difaaca Puntland ayaa si geesinimo aroornimadii hore ee saaka ugu ruqaansaday goobaha argagixisada, iyagoo dagaalka kaga qaadday cadowga afar jiho, taas oo suuragalisay guulo waa weyn oo degdeg ah.
