CALMISKAAD (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Gobolka Bari-Puntland ayaa sheegaya in Ciidamada Puntland ay xoojiyeen weerarada ay ku hayaan kooxda Daacish iyadoo la soo sheegayo in saacadihii ugu danbeeyay ay weerar culus ku qaadeen kooxda Daacisha ee wali ku dhuumaaleysanaya qeybo ka mid ah Buuraha Calmiskaad oo ah dhul balaaran oo aysan gaadiidku ku dhex socon karin.
Howlgalkaani oo ay ciidamadu ka wadaan togga Baallade ee buuraleyda Calmiskaad, ayaa sidoo kale la soo sheegayaa inuu socday labadii maalin ee la soo dhaafay.
Sidoo kale meelaha maanta dagaalada ay ka wadaan Ciidamada Puntland waxaa ka mid ah ceelasha Maraagane iyo Barakallaah oo ku yaalla togga Baallade ,wali khasaaraha lagama helin warbixin dheeraad ah.
Howlgallada dhanka cirka ayaa sidoo kale dhinac socda midka dhulka waxayna saraakiisha Puntland guulo ka sheeganayaan dagaalka saacadihii ugu danbeeyay halkaasi ka socda walow aysan wali soo bandhigin agab ay ka soo furteen.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
