Ciidamada dalka Uganda ee qaybta ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee loo yaqaano AMISOM ayaa saaka isaga guuray saldhig milatari oo ay ku lahaayeen deegaanka Mashallaay oo u dhexeeya degmooyinka Qoryoolay iyo Buula Mareer ee gobolka Shabeellada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Illaa hadda ma cadda sababta ay uga guureen saldhigaas oo ay fadhiyeen tan iyo 2014 kii markaas oo ay kala wareegeen Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay inay arkeen ciidanka oo qalabkooda kala baxaya xerada.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale soo weriyay in markii ciidamada Uganda ka baxeen saldhiga ay soo galeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo markii horeba aan ka fogeyn deegaanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here