HomeWarkiiCiidamada Uganda oo la sheegay inay askar badan uga dhinteen dagaalkii Alshabab...

Ciidamada Uganda oo la sheegay inay askar badan uga dhinteen dagaalkii Alshabab looga saaray Bariire

AWDHEEGLE (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in ciidamada Midowga Afrika gaar ahaan kuwa Uganda ay askar badan uga dhinteen dagaalkii shalay Alshabaab looga saaray Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha hoose.
Wararku waxay tilmaamayan in ciidamada Uganda dagaalkaasi ay kaga dhinteen 11 askari halka 6 kalana qarax gaadiidkooda loo dhigay asbuucaan ay ku dhinteen taasoo tirada guud ka dhigeysa 17 askari inay ku waayeen dagaalka bariire iyo qaraxa ka horeeyay.
Sidoo kale wararka ku saabsan guusha Bariire laga gaaray ayaa sheegaya in ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa Uganda ay hada qorsheynayaan inay sidoo kale alshabaab ka saaraan Degmada Awdheegle.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qabashada Awdheegle aysan u sahlanayn sida Bariire madaama alshabaabku fariisimo waa weyn ku leeyihiin islamarkaana uu noqon doona dagaalka halkaasi lagu qaado mid ka adag kii Bariire.
Dhanka kale saraakiisha Alshabaab wali kama hadlin intaan ka war heyno jabka ka soo gaaray Deegaanka Bariire ,dagaalyahanada looga dilay iyo 4 nolosha lagu qabtay oo isla dagaalyahanadooda ka mid ah.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -