HomeWarkiiCiidamada Xooga oo balan qaaday inay Yaaqbari Weyne ka suulinayaan siyaasi daniiste...

Ciidamada Xooga oo balan qaaday inay Yaaqbari Weyne ka suulinayaan siyaasi daniiste ah iyo mooryaan isbaariistayaal ah.

YAAQBARI-WEYNE (DAYNIILE.COM)-Ciidamo ka tirsan Milateriga Somalia oo watay gaadiid badan oo kuwa dagaalka ah ayaa gaaray Deegaanka Yaaqbari Weyne ee Gobolka Shabeelaha hoose halkaasoo ka mid ah meelihii dhawaan dagaal beeleedyadu ka dhaceen walow Maxkamada ciidamadu qaar dil ku xukuntay halka kuwo kalana la raadinaayo.

Shacabka reer Yaaqbariweyne ayaa si weyn u soo dhaweeyay ciidamada iyagoona ku farxay imaanshahooda madaama ay la daala dhacayeen colaad beeleed ay u dheer tahay cabsi iyo amni xumo.

Ciidamada gaaray Degmada Yaaqbari-weyne waxaa hogaaminaya Taliyaha guutada 7-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka  Gaashaanle sare Axmed Cabdi Cali (Axmed-Gaashaan) wuxuuna balan qaaday inay amniga xumida  wax ka qaban doonaan islamarkaana ay joogi doonaan oo ayna meelna u socon.

Qorshaha Dowladu ciidamadaasi ugu dirtay Yaaqbari-weyne waxaa ka mid ah inay soo qabtaan maleeshiyaad dhawaan aano qabiil dad u laayay kuwaasoona ka mid ah ciidamada Dowlada islamarkaana dhawaan Maxkamada ciidamadu ku xukuntay dil toogasho ah si loogu fuliyo xukunkaasi.

Taliyaha guutada 7-aad oo uu wehliyo Taliyaha Saldhiga Booliiska Yaqbariweyne gashanle dhexe Cabdulle Isaaq ayaa la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada deegaankaani waxayna u sheegeen ujeedka ay u yimaadeen oo ah inay nadiifiyaan mooryaanta habka qabiil u abaabulan iyo siyaasiyiinta danystayaasha ah.

“waa idinla joogeynaa ilaa aan ka suulino tuug qa’in ah oo mooryaan ah,qaadicu dariiqa, wax naga go’aayana ma jiraan anaga Dowlad baan nahay,waxaan wadanaa saadkeena,raashinkeena ,iidaaneena iyo biyaheena” ayuu yiri Taliye Axmed Gaashaan

Si kastaba Saraakiishu waxay sheegeen inay Yaaqbari weyne gaarsiin doonaan in dadka deegaanku si nabad ah u shaqeystaan, u noolaadaan sidoo kale ku tagaan deegaanada ku xeeran ee ganacsiga iyo wax kasta uu kala dhaxeeyo.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -